WararkaWaxbarashada

Buug Cusub oo Laga Qoray Madaxtinimadii Nelson Mandela 1994-1999

Waxaa lasoo saaray buug cusub oo laga qoray madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela, gaar ahaan shanti sano ee uu madaxweynaha ka ahaa dalkaas, buuggan ayaa magaciisa la yiraahdaa Dare not Linger.”

Buuggan oo uu Mandela laftiisa qoray, ayuunuu dhamaystirin sababo la xiriira da’diida iyo caafimaad darteed oo u saamixi waayay, waxaana hadda buuga dhamaystiray qoraaga lagu magacaabo Mandla Langa oo isaga laftiisa ka mid ahaa dadkii u ol’oleeyay xornimadda Koonfur Afrika, ahaana nin ay isu dhowyihiin Mandela.

Mandela waxaa horay looga qoray buugga Long Walk to Freedom ( Hayaankii dheeraa ee xornimada), kaas oo laga iibsaday 14 milyan oo nuqul adduunka oo dhan, markii dambana laga sameeyay filim Hollywood-ka ah oo uu jiley Idris Elba.

Xaaskii Mandela Graca Machel ayaa iyaduna sidoo kale wax ka qortay buugga cusub oo ka hadlaya xiligii guddigii caanka noqday ee runta iyo dib u heshiisiinta ee caddaanka iyo madoowga lagu wada hadashiiyay.

Mandela ayaa waxa uu heley abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel-ka loo yaqaan, doorkii weynaa ee uu ka qaatay in caddaanka iyo madoowga Koonfur Afrika ay nabad ku wada noolaadaan awgiis.

Waxa uu noqday qofkii ugu horeeyay oo madoow ah oo madaxweynenimo loo doorto Koonfur Afrika sanadkii 1994-tii, wuxuuna xilka hayay illaa sanadkii 1999-kii, xiligaas oo uu xilka kala Thabo Mbeki.

Nelson Mandela waxa uu geeriyooday sanadkii 2013-kii.

Sooyaalka Taariikhda Mandela

1918: Waxa uu ku dhashay gobolka Eastern Cape

1944: Wuxuu ku biiray xisbiga African National Congress (ANC)

1962: Waa la xiray, waxaana lagu xukumay 5 sano

1964: Markale ayaa lasoo dacweeyay, waxaana lagu xukumay cimri xarig

1990: Xabsiga ayaa laga siidaayay

1993: Waxa uu ku guuleystay abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel-ka.

1994: Madaxweyne ayaa loo doortay

1999: Waxa uu ka dagay madaxweynenimada

2004: Waa uu hawlgabay

2010: Waxa uu kasoo muuqday tartanka kubadda cagta adduunka.

Xigasho: BBC

Maandeeq FM

Related Articles

Close