DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Cimiriga Qofka oo Xiriir La Leh Heerka Garaadka ee Xilliga Yaraanta

 

Culumada jaamacadda Edinburgh ee Scotland ayaa gaaray natiijo ah inuu jiro xiriir ka dhaxeeya IQ qofka xilliga caruurnimada iyo cimriga qofka.

Sida lagu sheegay maqaal lagu soo daabacay sanadkan jariidada “BMJ” “In culumada ay gaareen natiijo oraneysa caruurta garaadkooda uu sarreeyo xilliyaga yaraanta uu ku yaryihiin cudurada wadnaha, xididada, neerfaha iyo kansalka.”, waa hadhow markii ay weynaadeen.

Culumadan ayaa natiijada ay soo saareen waxay ku saleeyeen tirokoobyo la sameeyay sanadkii 1946, oo laga diiwangeliyay 33kun oo rag ah iyo 32 kun oo haween ah oo ku dhashay Scotland dhexbartamihiin Sodomaadkii Qarnigii tagay, iyadoo tirakoobyadaa lagu beegsanayay heerka IQ ee garaadka qofka iyo caqlibadnaantiisa xilliga yaraanta.

Liiskaa tirakoobkaa markii dib loo eegay waxaa la ogaaday dadkii xilligaa loo diiwaangeliyay in heerka garaadkooda ee IQ uu aad u sarreyo uu ku yaraadeen dhanka cudurada wadanaha iyo xididada dhiigga ku dhaca, kana cimri dheeraadeen asaagood, waa markii dhawaan baarintaan labaad lagu sameeyay oo heerkooda caafimaadka dib loo eegay.

Waxaa xusud mudan, in xilliyadii dambey culumada-sayniska ee Yurub iyo Mareykanka ay muhiimad gaar ah siinayeen heerka IQ qofka waxyaabaha sare u qaada iyo sababaha loo kala garaad sarreeyo, waxayna heleen 40 genes hadde side oo mas’uul ka ah heerka IQ qofka, waa markii ay cilmibaaris ku sameeyay 80 kun oo qof oo baaritaanno kala duwan la marsiiyay.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close