DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Da’yar Soo Hindistay Qalab Qiimo Jaban oo Biyaha lagu Filtereeyo oo Ku Guuleystay Tartanka Saynis-yahanka Da’dayar

Ardayday da’deedu tahay 11 jir ayaa ku guuleystay abaalmarinta Koowaad ee tartanta Mareykaka ee Saynis-yahannada da’dayar “Young Scientist Challenge”.

Gitanjali Rao ayaa ka guuleystay tartamayaal ay soo wada gaareen kamadamaysta, kadib markii ay qaateen saddex bilood oo tababar ah oo Saynisyahanno heersare ah ay fikradahooda hor-u-marinayeen.

Gitanjali qalabka cusub ee ay soo saartay ayaa ka kooban tubbooyin Kaarboon ah oo aad u yaryar oo nadiifinaya isla markaana sheegaya suntan rasaasta ah.

Gabadhan yar ayaa warbaahinta u sheegtay in daahroggeedan cusub uu ku dhaliyay fadeexad ka dhacday magaalada Flint ee gobolka Michigan gudaha Mareykanka, taas oo lagu helay mas’uuliyiin lagu eedeeyay iney dil geysteen biyo wasakheysan oo ay magaalada siiyeen darteed.

In biyaha laga baarto suntan rasaasta xilliga aan joogno waxay qaadataa kharash aad u badan. Qalabka ay ardaydani soo ikhtiraacday ayaa ah mid si fudud u sheegi kara heerka sumowga biyaha iyadoon kharash badani ku bixin.

Gitanjali waxay abaalmarin u heshay lacag gaaraysa $25,000(shan iyo labaatan kun oo dollar), waana abaalmintii ugu horreeyay ee tartanka sanadkan.

Waxaase iyagana abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyay daahrogyo cusub oo ka qeybqaadanaya daaweynta cudurka Alzheimer iyo robot caawinaya ilaalinta biyaha, oo dhammaantood ay sameeyay culumo-saynisyahnno da’yar ah.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close