WararkaWaxbarashada

Dowladda Kuwait oo Martigelinaysa Shir Looga Hadlayo Hor-u-marinta Waxbarashada Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa ku dhawaaqday iney qabaneyso shirka deeqbixiyaasha adduunku iskugu imanayaan si loo taageero waxbarashada Soomaaliya.

Shirkan ayaa ulajeedadiisu tahay in kor loo qaado heerka waxbarashada isla markaan hoos loo dhigo heerka qoris iyo akhris la’aanta si Soomaaliya ula jaanaqaaddo hor-u-marka casiriga ah ee waxbarasha dunida, waxaanuu shirkani ka mid yahay dadaallada dowaladda Kuwait ee qaaradda Afrika.

Hadalkan ayaa waxa uu kasoo yeeray  ku-xigeenka safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya dowladda Kuwait Badar Cabdullaahi al-Muniikh oo ka hor hadlay kulan Jimcihii ka dhacay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay hor-u-marinta Qaaradda Afrika.

Sida ay qortay wakaaladda warar Kuwait ee KUNA Badar ayaa yiri: “Dowladda Kuwait waxay ku faaneysaa xiriirka taariikheed ee ay la leedahay Qaaradda Afrika, waxayna xubin sharafeed ka taahay ururka Midowga Afrika.”

Si kastaba, dowladda Kuwait ayaa dunida siisay deyn gaareysa 20 billion oo dollar, halka lacagaas ay qaaradda Afrika Nasiib u heshay 18%.

Maandeeq FM

Related Articles

Close