WacyigelinWararkaWaxbarashada

Ka Fogow Wararka la Xiriira Dhulgariirrada! Dababka! Toogashooyinka! Qaraxyada oo Caafimaadka Naftaada ilaasho

Wararka la xiriira dhadooyinka musiibooyinka ah warbaahinta aad ayay u jeceshahay iney buunbuuniyaan, si ay u heleen akhristayaal farabadan, laakiin bedelkeeda waxay keenaysaa walwalbadan iyo caafimaad darro.

Sida ay qorta jariidada New York Times, warar dagaallada, masiibooyinka dabiiciga ah, Qaraxyaxyada wxay kor u qadaan walwalka iyo walaaca dadka taas oo ugu dambeyn keenaysa iney dhibaato soo gaarto qofka nafsi ahaan iyo maskax ahaan labadaba.

Jariidada oo wareysi la yeelatay Professor cilminafsiga nafsiga (Psychology) ka dhigtay jaamacadda  University of Texas  oo la yiraahdo Mary McNaughton ayaa tiri: “Waxaan aragnaa iney dadku si kordhaysa ay uga daaleen dhacdooyinka Musoobooyinka ah ee warbaahinta lagu faafiyo.”, wararkan ayaa inta badan ah kuwo ay si aad ah u hadal hayaan si joogta ah nolol maalmeedka uga mid noqotay. In wararkaa xoogga la saaraa xal maaha, ayay tiri, waxaa waajib ah in la khafiifiyo oo dadka laga yareeyo, in laga fogaado shaashadaha Telefishinka iyo wararka in muddo ah ayay dadka kula talisay.

Mary waxay sheegtay iney arkeen tiro sii kordhaysa oo cudurada dhanka maskaxda ah oo markii ay baareenna ay ogaadeen inuu sabab u yahay wararka aan wanaagsaneyn ee warbaahinta ka baxaysa oo keentay iney dadka qaar naftooda dilaan ama ay is dhibaateeyaan:”Waxaan aragnay koror muuqda oo walwal dadkii kusii kordhaya ah, waxaa ku jiray dad naftooda dhibaato u geystay, iyo kuwo kale oo nafta iska jiray oo is dilay.”

Ugu dambeyn, Mary ayaa carrabka ku adkeysay iney dadku tahay iney xoogga saaraan wararka wanaagsan ee faa’idada leh, kuwaas oo kordhinaysa is kafaaloqaadka iyo wax wada qabsiga bulshada, wararka noocaas ah ayaa u roon caafimaadka nafta iyo maskaxda labadaba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close