arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kursiga Ha Uga Kicin Qof Waayeel ah!.. Mas’aladu Mid Akhlaaqeed Ma aha ee Waa Mid Caafimaad

Qaar ka mid ah khubarada caafimaadka ayaa sheegaya kicitaanka qof waayeel ah looga kaco kursiga xilliga gaadiidka la saran yahay uu caafimaadkooda dhibaato ku yahaye.

Khubaradan ayaa tilmaamaya in taagnidu u wanaagsan tahay waayeelka, marnaba ha dhiirigelin iney is dhigtaan oo ay caajisaan, dadka qaraabada la ah waxaa loo baahan yahay iney ku dhiirigeliyaan dadka waayeelka ah iney jaranjarooyinka koraan, culeyskan ay qaataan iyo boorsooyinkooda marka ay suuqyada ka adeeganayaan.

Professor “Sir Muir Gray” oo ah la taliye caafimaad ayaa yiri, dadka waayeel ka ah waxaa laga rabaa iney howlqabad dhanka jirka ah sameeyaan, si aaney hadhow caafimaadkooda cidna culeys ugu noqon. Waxaana uu ugu baaqay iney kaalintooda fahmaan taas oo ah iney ugu yaraan caafimaadkooda ilaashadaan, waxaanuu si gaar ah ula hadlay dhalinyarada “Waxaan u baahannahay inaan waayeelka ku dhiirigelinno iney waxqabtaan ee maaha iney nafisaan.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay : “Waxaa waajib ah inaad labo jeer fakarto ka hor inta aadan kursigaaga uga kicin qof waayeel ah marka aad bas ama tareen saaran tahay, idoo ka fakaraya danta qofka kaa da’daweyn, iney taagnaadaan ay u tahay caafimaad aad muhiim u ah.”

Daraasad cusub oo wakhiti sii horreysay ee sanadkan lasoo saaray oo lagu soo daabacay joornaalka “Lancet Public Health” ayaa sheegaysa in dadka da’doodu ka badan tahay 65 jirka dalka Ingiriiska iyo Wales ay gaarayaan 25% marka la gaaro sanadka 2025.

Mu’allifkii ugu weynaa ee cilmibaarista oo la yiraahdo Scarlett O’Malley oo ah la taliyaha isbitaalka Ortopedic ayaa yiri: “Waxaan u baahannahay inaan la dagaallanno fikradda ah in dadka waaweyn la nasiyo.. dadku waxy u baahan yihiin iney howlqabad sameeyaan si kasta oo ay da’doodu u weyn tahay.”, waxa uu inata sii raaciyay, “Waxay u baahan yihiin iney kordhiyaan shaqadooda dhanka jirka ah. Qofkasta oo qaangaar ah waxaa waajib ku ah iney sameeyo shaqo jireed 150-daqiiqo ah ugu yaraan isbuucii, taas oo lagu darayo jimicsiga maalin laha ah ee joogtada ah.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close