WararkaWaxbarashada

Sucuudi: Go’aanka Dib-u-eegista Axaadiista Waa Mid Lagu Kashifayo Fahamka Khaldan ee Laga Faafiyo Nabi Maxamed N.N.K.H

Xeer-ilaaliyaha guud ee Sucuudiga Sucuud Binu Cabdillaahi al-Mucajab ayaa oo ka hadlay Majmac culumo oo la dagaalamaya Axaadiista been abuurka ah oo uu dhawaan magacaabay Boqor Salman ayaa sheegay in uu yahay mid lagaga hortagayo xagjirnimada iyo nusuus kasta oo ka hor-imaaneysa taaciilimta wanaagsan ee Islaamka.

Sida uu qoray wargeyska al-Riyadh, Xeer ilaaliyaha ayaa yiri: ;”Danta laga leeyahay aasaasidda majmacan culumada ayaa ah in la kashifo axaadiista been abuurka ah, iyadoo la sameynayo daraasad xeeldheer oo lagu saxayo fahamka khladan ee laga bixinayo axaadiista qaar, waxaa majmacani ka koobnaanaya culumo caan ah oo meesha ka saari doona axaadiista been abuurk ah , axaadiisa baadilka ah, munkarka ah, iyo kuwa daciifka ah.”

Magaalada Madiina al-Munawarah ayaa noqoneysa xanunta majmaca, xubnihiisa waxaa lagu xulanayaa amar boqortooyo, waxaana durdaba la go’aamiyay inuu madax u noqdo al-Sheekh Maxamed binu Xasan Aal al-Sheekh oo ah xubin ka tirsan hay’adda culumada Sucuudiga inuu madax u noqdo majmaca.

Boqor Salman bin Abdul Aziz ayaa dhawaan amray in la sameeyo Majmac culumo heer Caalami ah oo Axaadiista Rasuulka SWC u gaar ah, kaas oo dib u eegis ku sameynaya axaadiista been abuurka ah iyo kuwa kale ee lagu banneystaan dhiigga dadka ee sida khladan loo fasiro.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close