CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

WHO: Cudurka Cancer-ka oo Faafistiisu Ku Kordheyso Adduunka 70%

Wakiillo ka tirsan hay’adda WHO ayaa saadaaliyay in si aan horey loo arag adduunka uu ugu faafayo Kansarka oo la filayo 70% uu gaaro sanooyinka soo aaddan.

Khabiir u dhashay dalka Ruushka oo ku takhasusay kansarka  lana yiraahdo Yuri Bukarovsky ayaa yiri, tilmaantaa khubarada kasoo yeertay waxay sheegaysaa in labadii qof, qof ka mid ah uu cudurka kansarka qaadayo dhawaan.

Kansarka ayaa waxaa uu yahay sabab ka mid ah sababaha geerida oo 13% ayuu salfadaa dadyowga adduunka.

Culumada caafimaadka ayaa u arka in faafitaanka cudurka ay sabab u tahay, caadooyinka aan wanaagsaneyn ee uu ka mid yahay sigaarka, raashin cunista aan caafimaadk ahayn, buurnida, daalka tirada badan iyo arrimo kale oo deegaanka khuseeya. Haddii xilli hore la daweyn waayo kansarka, waxay kor u qaadaysaa heerka geerida ee sanadkii cududrka u dhimata.

Hay’ad samafal ah oo ka dhisan gudaha Britain  ayaa qiyaas ay sameysay sanadkii 2013, waxa ku sheegtay in 15sano gudahood 2-da qof ee wada socda midkood uu cudurka kansarka qaadi doono, xirfadlayaashii hay’addaas ayaa sheegay in kansarrada qanjirka ‘prostate’, mindhicirka iyo unugyada ‘pigment’ ay yihiin kuwa sida aadka ah loo filayo inay u faafaan.

Si kastaba, Dhakhaatiirta ayaa sheegay iney jiraan caadooyin wanaagsan oo ka hortag u noqon kara cudurka, sida; in sigaar cabista laga go’ , daroogada laga fogaado iyo Sports ka oo la ciyaaro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close