WararkaWaxbarashada

5 Madaxweyne oo Horey Usoo Maamulay Dalka Mareykanka oo Lacago Farabadan oo Gurmad ah Uruuriyay

5 madaxweyne oo horey usoo maamushay dalka Mareykanka ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay iney uruuriyeen $31 milyan oo dollar, si dadkii duufaannadu ku dhufteen loogu gurmado.

Madaxweynayaashan lacagaha gurmadka ah uruuriyay ayaa kala ah  James Carter, George Bush, Bill Clinton, George W. Bush iyo Barack Obama, waxayna hadalka ka jeediyeen xaflad music oo lagu uruurinayay lacago kale oo dheeraad ah oo lagu daryeelo dadkii ay dhibaateeyeen duufaannadii bisha August iyo September ku dhuftay gudaha dalka Mareykanka.

Waxaa xusid mudan, Duufaannadii ku dhuftay dalka Mareykanka ayaa dhibaato xoogleh u geystay gbollada Texas, Florida iyo jasiiradaha Mareykanka ee ku teedsan badda Caribbean-ka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close