arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Jacaylka Waa Lagu Cayilaa!

Ra’yi uruurin ay sameysay jamciyad ka dhisan dalka Spain ee daraasaadka cayilka ee la yiraahdo “SEEDO” oo ay ka qeybgaleen 2300 qof oo rag iyo dumarba leh, ayaa lagu ogaaday iney dadka ay cayilaan oo misaan koodu kordho 4.5 Kg, inta u dhaxaysa bilowga xiriirka jacaylka illaa inta uu ka xasilayo.

Madaxa qeybta endocrinology iyo nutrition-ka ee isbitaalka Del Mar ee magaalada Barcelona Albert Gude ayaa sheegay in dadka doobka ah ay ku dadaalaan muuqaalkooda iyo dhismaha jirkooda, halka dadka xiriirka jacayl wadaa ay aaney inta badan sidaa sameyn.

“Marka qofku uu yahay doob, naftiisa si wanaagsan ayuu u daryeelaa sports-kana wuu ciyaaraa, raashin caafimaad wuu qaataa, si ay saameyn ugu yeelato muuqaalka guud ayna u kororto furasadaha ah inuu helo lamanihiisa nolosha.”

Natiijada daraasaddan kasoo baxday, ayaa sheegaysa in 33% dadkii ka qeybgalay ay sports ka si joogta ah u sameynayeen markii ay doobka ahaayeen, halka heerkaasi uu hoos u dhacay illaa 26% marka xiriirka jacaylku uu ubilowday,  halka marka uu xasilayna uu sii gaarayo illaa 25% oo uu sii yaraneyo dadaalkii uu jirkiisa iyo naftiisa gelinayay. Marka qofka jimicsiga uu sameynayaa uu hoos u dhaco waxa khasab ah inuu culeyska jirku kordho.

Dhanka xiriirka bulshada, daraasaddan waxay soo saartay in 61% dadka doobka ay kaga fiican yihiin dadka xaaslayaasha ah, halka 34% uu gaarayo xiriirka bulshada ee ragga iyo dumarka xaaslayaasha ah ama jacaylkooda helay.

Fiiro gaar ah: Jacayl halkan waxa uu inoo noqonayaa midka akhlaaqda ah ee guur xalaala ah lagu yegleelayo, maadaama aan dad Muslim ah nahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close