WacyigelinWararkaWaxbarashada

Sideed Lacag ugu Soo Jiidi Kartaa Naftaada.. Raac 3-istiraatiijiyadood

Ma ogtahay markaad lacagta ka hadasho iney lacag kuusoo jiidayso!, waxaa taa kasii muhiimsan marka aad lacagta si wanaagsan uga hadasho waxay kuu horseeddaa fursado badan oo aad lacag ku heli karto oo aadan maleysan karin, waa sida ay sheegayaan dadka khibradda ah, inaad tijaabisaana way kuu furan tahay.

Haddii aad dooneyso inaad lacago badan soo xareyso noloshaada raac saddexdan istiraatiijiyadood oo suurtogal ka dhigaya iney farqi weyn ka sameeyaan noloshaada maaliyadeed:

1  .Ku Fakar Lacag

Markaad lacagta ka fakareyso si wanaagsan uga fakar, ka sheekee dadka maalqabeennada ah adigoo xaaladdooda aqbalsan una hambalyaynaya, naftaada qani ka dhig oo u sheeg iney lacago badan sameyn karto, waxaa hubaal ah in arrintaasi kuu keenayso furayso albaabbo aadan horey u garaneyn ay kuu furayso, waxaad helaysaa aragtiyo sidii hore ka cad oo dhanka hantida ah iyo sida loo tacbo, istiraatiijiyadinana waxay salka ku haysaa mabda’a ah “Kheyr filo waad helaysaaye.

2  .Wax-badan Ka Baro Lacagta

Waxbadan ka bara hababka ugu wanaagsan ee lacagta lagu tacbo. Baro noocyada dakhliga, khubarada maalgelisha yaqaanna waxbadan waydii, aqoon ayaad helaysaa, lacagaha aad hadda shaqeysana waa ay kuu hagaagayaan.

3  .Baro Sida Loo Ciyaaro Game-ka Lacagta

Bilow shaqo aad lacago farabadan ka heli karto, si dhab ah u gudogal, maalgelin samee; qiimo yarba aad ku bilowdide, sidaas ayaad ku noqon karaa qof si dhab ah ugu dhex jira game-ka lacagta.

Ugu dambeyn, Ogow markasta khasnaha Rabbi iney buuxaan, cid kastaana ay ka waraabi karto marka ay dadaal muujiso, waxa dhuuntaada marayaa way qoran yihiin, waxaad kasban kartana waa ay ku horyaallaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close