DugsiyadaWararkaWaxbarashada

5-ta Marxaladood ee Aasaasiga ah ee loo Maro Akhrinta Manaahijta Iskuulaadka iyo Jaamcadaha

Waxaa jira waddooyin kala duwan oo dadku ay wax u akhriyaan xilliga waxbarashada iskuulaadka iyo jaamacadaha, laakiin waxaa jira 5 waddo oo aad caan u ah oo ay adeegsadaan ardayda guulaha badan kasoo hooya waxbarasahda.

Wadooyinkani waxay ku habboon yihiin guud ahaan manaahijta, ha noqdo buug qura ama buugaag farabadan, ha noqod mid koorso ah ama marka aad akhrisneyso jaraa’idka aqoonta iyo cilmibaarisyada ka warama. Waa wadiiqo guud oo dhameystiran iyo tallaabooyin is dabayaalla oo looga faa’ideysan karo kulliyadaha iyo jaamacadaha iyo mac’hadyada baaritaannada cilmiyeed iyo guud ahaan waxbarashada oo dhinacyadeeda kala duwan.

1  .Marxaladda Kormarka Guud

Ardayga waxaa laga rabaa inuu si guud u kormaro maadada uu akhrinayo oo uu insha mariyo, si gaar ah u eeg mawaadiicda soo jiidashada leh, fikaradda guud waxyaabaha ugu muhiinsan, si gaar ah u eeg mawaadiicda kugu cusub ee u baahan sharaxa iyo wakhti dheeraadka ah in la galiyo.

2  .Diiwaangelinta Su’aalaha

Si aad caqligaaga u baraarujiso waxaa habboon inaad su’aalo qorato, kuwaas oo aad fileyso iney kugu imaan karaan amaba aad dooneyso inaad si gaar ah xalkooda u hesho.

3  .Akhri Maadada Si Dhameystiran

Si dagan oo xasilloon u akhri ishaada ku hay su’aalahii aad horey u qoratay inaad hesho jawaabahooda, laakiin su’aalahaas oo qura wax ha u akhrin, ee inaad si ballaaran wax u fahamto isku day.

4  .Dib-u-eegis Ku Samee

Markan waxaad xoogga saaraysaa waxyaabaha muhiimka ah ee aad hoosta ka xariiqday xilliga wax akhrinta, soo koob oo meel iskugu soo uruuri waxa ugu muhiimsan.

5  .Hubi Inaad Wax Fahamtay

Maadaadii aad akhrineysay dib ugu noqo, waxaa hubaal ah iney jiraa meelo uu mugdi kaaga jiro ama aadan si wanaagsan u fahmi, la kaasho saaxiibkaaga waxbarashada, macallinkaaga iyo cid kasta oo si fudud kuu caanwin karta.

Si kastaba, waddooyinkaa waa kuwo ugu habboon ee aad hadhow si fudud maskaxdaada uga soo tuuri karta xilliga imtixaanka iyo markasta oo aad u baahato, adigoo si wanaagsan u  xasuusan kara.

Maandeeq FM

Related Articles

Close