WararkaWaxbarashada

Cilmibaarayaal: Hoos-u-dhaca Cayayaanka-duula oo Khatar Ku ah Nolosha Dunida

Koox cilmibaarayaal ah oo ka kala tirsan dalalka Jarmalka, Holland iyo Ingiriiska ayaa diiwaangeliyay hoos u dhacay 3/4 ah oo ku yimid tirada cayayaanka ee dalka jarmalka waana saami boqoleyda uga dhigma 75%.

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka la yiraahdo “Plos One” ee kasoo baxa dalka Mareykanka, ayaa ra’yiga culumadu uu yahay in hoos u dhacaasi uu khatar ku yahay nolosha dhulka dushiisa, waana marka laga eego kaalinta cayayaanka duulaa ay ku leeyihiin bacraminta dhirta, marka la eego silsiladda sameysanka cuntada oo aan marnaba looga maarmeyn.

Culumada sayniska cayayaanka ku takhsusay ayaa waday daraasaad laga soo bilaabo 1989, waxay isku keeneen in ka badan 150 sample oo ka kooban dhammaan cayayaanno kala duwan oo laga soo uruuriyay 63 goobood oo gudaha Jarmalka ah. Halka culeyska cayayaannada lasoo uruurinayay 27sano uu hoos u dhacay ku dhawaad 76% marka loo barbardhigo culyeska xilligii hore.

Culumada ayaa sheegaya datada ay soo uruuriyeen ay ka kooban tahay dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka Jarmalka, gaar ahaan goobaha beeraaleyda ah.

Cilmibaarayaashu illaa hadda uma aaney caddaan sababta ugu weyn ee keenaysa iney cayayaanku hoos u dhacaan heerka intaa le’eg ee walwalka badan abuuraysa, iyadoo qaarkood ay arrintaa u aaneynayaa aadanaha naftiisa oo ay leeyihiin khaladaadkiisa ayaa waxwalba halleeya oo xumeeya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close