WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Marka Aad Dhimato Waad Maqlaysaa Dhimashadaada & Oohinta Dadka Aad Jeceshahay

Jariidada The Independent ayaa daabacday daraasad xiiso leh oo uu sameeyay dhakhtar British ah oo la yiraahdo Dr Sam Parnia oo ah maamulaha cilmibaarisyada ee bukaannada  xaladaha khatarta ah ku jira ee kuliyadda caafimaadka  jaamacadda New York ee dalka Mareykanka.

Dr Parnia ayaa waxa uu leeyahay aadanaha wacyigiisa wuu joogaa xilliga dhimashadiisa; marka uu jirku howshiisa gabo wacyiga aadanuhu wuu sii jirayaa, taas oo ka dhigan, aragti ahaan in qofku uu maqlayo dhakhaatiirta marka ay ku dhawaaqayaan geeridiisa.

Dhakhtarka iyo koox la shaqeynaysay ayaa waxay baaritaanno kala duwan ku sameeyeen bukaannada wadnuhu uu istaago oo lagu dhawaaqay iney geeriyoodeen, laakiin markii dambe nolosha dib ugu soo laabtay oo soo naaxay si lama filaan ah. Daraasaddan ayaa ah tii ugu ballaarneyd ee nooceeda oo kale laga sameeyo.

Qaar ka mid ah bukaannadii daraasaddani ka qeybgalay ayaa sheegay iney wacyigoodu uu taam ah oo ay maqlayeen wixii ay dadku ku sheekaysanayeen, waxay sheegeen iney si  dhameystiran u arkayeen waxyaabaha hareerahooda ka dhacayay. Sheekooyinka qaar ayaa laga xaqiijiyay dadkii ay khuseysay.

Geerida ayaa loo yaqaanna marka uu wadnuhu dhaqaaqa joojiyo, isla markaan uu maskaxda dhiigga gaarsiin kari waayo.

Dr Sam ayaa waxa uu yiri: “Farsamo ahaan, waa tan aan ku xadidino xilliga dhimashada, wax walbaaba waxay ku xiran yihiin xilliga uu wadnuhu joojiyo garaaca.”

Waxa uu intaa sii raaciyay:”Marka ay taasi dhacdo, dhiiga ayaa ka istaagaya maskaxda, taas oo ka dhigan in howsha maskaxdu istaageyso isla markiiba, waxwalba oo shaqa ah inuu jirku isla markiiba uu joojinayaa.”

Si kastaba, daraasaddan ayaa lagu tilmaamay iney tahay tii ugu ballaarneyd ee neecooda oo kale laga sameeyo. 

Maandeeq FM

Related Articles

Close