CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

“Dilaaga Aamusan” oo Salfada Nolosha 9-milyan oo Qof Sanadkii!

Tirada dadka u geeriyooda wasakhowga-hawada ayaa gaartay 9 milyan oo qof sanadkii 2015, taas oo u dhiganta 15 jibaar inta dagaallada iyo colaadaha la xiriira, sida warbixin soo baxday ay sheegayso.

Guddiga Lancet ayaa soo saartay warbixin Khamiistii October, 19, Lancet ayaa ah koox  caalami ah oo ka kooban 40 qoraa oo wax ka qora caafimaadka iyo deegaanka.

Warbixinta ay soo saareen ayaa sheegaysa in 6 qof ee xilli hore geeriyoot ama cimridegdeg uu ku dhaco ay u dhintaan hawo-wasakhowga oo ah sababta ugu weyn ee cimridegdegga keenta, iyadoo dadkaasi inta badan ay dagan yihiin 92% dowladaha dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa soo koraya.

India oo qora ayaa waxaa u geeriyooda sanadkii 2.5 Milyan oo qof, sababo la xiriira hawo-wasakhowga sanadkii 2015, waxaana ku xiga dalka China oo ay u geeriyoodeen sababtiisa 1.8 Milyan oo qof.

Lancet ayaa si gaar ah u sheegay in hawo-wasakhowga tamarta la gubo, sida qiiqa dhuxusha oo kale uu yahay dilaaga ugu ba’an, waxa uu dhaliyaa cudurada neefmareenka iyo wadnaha, waxaa laga qaadaa kansalka sambabada kaas oo ka dhasha markii si joogta ah hawo-wasakhaysan loo qaato muddo dheer.

Warbixinta ayaa sheegaysa in dhibaatada hawo-wasakhowgu dhaliyo aaney ku koobneyn dhanka caafimaadka oo qura, ee laakiin ay ka dhalato khasaarooyin maaliyadeed oo gaareysa $4.6 Trillion sanadkii, waana in u dhiganta 6.2% wax-soo-saarka guud ee dhaqaalaha Adduunka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close