arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sawirka.. ‘Hooyadaa Waa Taageerahaaga Kaliya ee aad Haysato’ oo Si Weyn u Qabsaday Baraha Bulshada

Sawir uu qaaday photographer-ka Maxamed Rushdi al-Dur oo uu ka qaaday ilmayar oo ciyaar dhaqameed ku ciyaarayay gobolka Tanta ee dalka Masar ayaa si aad ah looga hadalhayay baraha bulshada.

Ilmahan yar ayaa la yiraahdaa Yusuf, sababta sawirka uu sida aadka ah ugu faafay ayaa ah in ilamahay oo si wanaagsan u ciyaarayay dadbadanna ku hareeraysanaayeen ayaa cidda kaliya ee u sacab tumaysay ee dhiirigelinaysa ay ahayd hooyadii oo qura.

Wiilkan-yar  iyo hooyaddii ayaa waxaa usoo kala dheereerayay oo ku tartamay wareysigooda telefishinnada ugu waaweyn ee dalka Masar.

Ugu dambeyn, markaan sawirka iyo dhacdadiisa ka soo yara fogaanno, waxaa hubaal ah in hooyadu ay tahay qofka kaliya ee xilli kasta garabkaaga taagan oo marka aan huruddo soo jeedda dartaa, marka aan dharagsan tahay gaajeysan darteenna, bal isweydii maxaad ugu abaalgudi lahayd hooyadaa? 

Maandeeq FM

Related Articles

Close