TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Xilli Dhaw.. Raashinku Isagaa Afkaaga Usoo Duulaya!!

Xilli dhawo aadanuhu uma baahnaan doonaan iney raashinka gacantooda ku cunaan, isaga ayaa u soo duuli doona agagaarka afkana iskeenaya isagoo ka macaan sidii hore.

Culumo cilmibaarayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Sussex ay heleen hirarka mowjado sare ah oo suurtogalainaya in raashinku duulo afkaaga soo galo, isla markaana uu noqdo mid aad u macaan.

Sida lagu soo daabacay wargeysa “Daily Mail” ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ayaa cilmibaayaashu waxay leeyihiin, tijaabooyinka aan helnay raashinka waxay ka dhigayaan mid aad u macaan, laakiin waxaa shardi ah ayay yiraahdeen inuu raashinku ka yaraan xabad digir ah.

Cilmibaaraha la yiraahdo Dr Thanh Vi oo ka tirsan jaamacadda Sussex ayaa yiri, “Duulista raashinka ayaa ka dhigeysa mid dhadhankiisu uu aad u macaan yahay, raashinka macaan cufnaantiisuna waxay badan tahay, halka raashinka qaraar naftigiisu uu noqonayaa mid fiican.”

Wadadan ayaa la leeyahay waxay waxtar u yeelanaysaa caruurta markii la doonayo iney qaataan shay qaraar oo dawadu ka midka tahay ama marka la doonayo iney khudaarta cunisteeda inaaney ka caajisin.

Dr Thanh Vi ayaa intaa sii raaciyay: “Marka aad xaaladda u bedesho mid xiiso leh, dawadii waxay noqoneysaa mid hawada duuleysa oo in la cuno la xiisaynayo.”

Muuqaalka Waxaan kasoo Helanay Websiteka jaamacadda Sussex, waana tijaabooyinkii ay sameeayay ee dhanka duulista taashinka:

Ugu dambeyn, waxaa dhici karta in arrintani ay dadbadan ka yaabiso sidey ku suurtogaleysaa ay is weydiiyaan, laakiin waxaad xasuusataa iney jiraan waxyaabo badan oo markii hore loo arkayay inaaney suurtogal ahayn, hadana markii dambey dhaboobay, waxaa ka mid ah; mobilka; telfishinka; internetka; ..i.w.m. 

Maandeeq FM

Related Articles

Close