arrimaha bulshadaWacyigelinWararkaWaxbarashada

4-ta Qof ee Adduunka Gilgilay Maaliyad Ahaan

Dadkii horey u yiri go’aanka iyo doonistu waxay sameeyaan mucjisooyin, waxay ogaayeen in maalin ay jiridoonaan dad faqri ah oo cidina aaney garaneyn oo noqon doona dad hantiile-yaal ah oo magacyo ka caansan madaxweynayaasha qaar ee adduunka sameyn doona.

Warbixin lagu daabacay jariidada “Business Insider” ee kasoo baxda gudaha dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dad ku noolaa daafaha adduunka faqiirka ah laakiin duruuftoodii bedelay oo noqday maalqabeenno aad u hanti badan.

1  .Jean-com aasaasaha Whatsapp

Markiisii hore waxa uu kasoo haajiray Ukraine waxaanuu gaaray dalka Mareykanka markii da’diisu ahayd 16 jir, waxa uu ku noolaa nolol iska caadi ah qoyskiisuna waxay la daalaa dhacayeen sidii ay ku heli lahaayeen quutu al-yowmka, illaa uu markii dambey kasoo saarto adeegga Whatsapp, waxa uu si lama filaan ah ku noqday Billionaire, kadib markii ay Facebook usoo bandhigtay 19 Billion oo dollar si ay ugu iibsato WhatsApp, sida ay Forbes sheegayso Com waxa uu leeyahay 45% saamiga guud ee WhatsApp iyadoo hantidiisa lagu qiyaaso 10 billion oo dollar.

2   .Larry Ellison

Waxbarashadiisa jaamacadeed ma aanuu dhameysan, markii ay eedadii geeriyootay oo waxbarashada ka bixineysay. 8sano ayuu ka shaqeeyay shaqooyin hooseeya, kadibna waxa uu ku fakaray inuu aasaaso shirkad “Oracle” ee hor-u-marinta Softwares ka, waxayse markii dambey noqotay shirka ka mid ah shirkadaha ugu tunka weyn ee teknoolajiyadda adduunka, sida ay Forbes sheegayso hantida saafiga ah ee “Ellison waxa lagu qiyaasaa 60 billion oo dollar.

3   .Shahid Khan

Markiisii hore waxay uu saxamada ka dhaqi jiray makhaayadah, laakiin markii dambe waxa uu noqday mid ka mid ah taajiriinta adduunka iyadoo hantidiisa lagu qiyaaso 7,2 billion oo dollar. Waxa uu kasoo guuray dalkiisa Pakistan isagoo dagay dalka Mareykanka si uu saxamada makhaayadaha u dhaqo ama u mayro, laakiin hadda waxa uu leeyahay shirkado iyo naadiyo sports gudaha Mareykanka.

4  .Du Won Chang

Waa aasaasaha gacsiga calaamadda “Forever 21” lagu yaqaanno ee dharka, waxa uu ka tirsan yahay maalqabeennada adduunka, waxa uu horey uga soo shaqeeyay goob shidaalka lagu iibiyo, laakiin markii dambe waxa uu aasaasay ganacsi ka kooban 457 tukaan oo ku kala yaalla in ka badan 50 dowladood oo daafaha dunida ah, sanadkiina waxa uu iibiyaa badeecad u dhiganta 3 billion oo dollar oo faa’ido ah. Forbes waxay leedahay hantida saafiga ah ee Chang waxay gaartay 3billion oo doolarka Mareykanka ah.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close