DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Culuumta Sayniska ee Physics, Chemistry & Biology oo Hal-maaddo Isku Noqonaya

Caalimka astrophysicist ee abaalmarinta Nobel Prize ku guuleystay sanadkii 2006 ee la yiraahdo George Smoot ayaa ka hadlay in culuumta dabiiciga ah ee aadanaha ay iskugu imaandoonaan maaddo qura oo ay ku midoobayaan.

Waxa uu hadalkan ka jeediyay dabaaldagga caalamiga ah ee ardayda iyo dhalinyarada adduunka uga socda magaadal Sochi ee dalka Ruushka Arbacadii  October 18, waxaanuu tilmaamay in dadku dhammaan ay isha ku wada hayaan arrintan ku saabsan midowga culuumta dabiiciga ah, sida Physics oo usii dhawaanaya Chemistry iyo Biology inuu ku dhex milmo.

Isku soo dhawaashiyaha culuumta ayaa socday in muddo ah culumaduna ay dareemayeen, ugu dambeyn furuucda kala duwan ee cilmiga ayaa isku milmi doona si ay maaddo kaliya u noqdaan si muuqaal dhameystiran ay u sameeyaan.

Caalimkan Mareykanka ah ayaa sidoo kale aaminsan in cilmibaarisyada cusub ee lasameeyo ay muhiimaddoodu tahay in wax cusub oo aadanuhu aanuu horey u gaarin la sameeyo, laakiin in aragti cilmiyeed la adkeeyo oo loo raadiyo xujooyin aaney muhiimad sidaa u siiweyn lahayn.

Ugu dambeyn, maanta ayaa waxaa lagu soo gabagabeynayaa magaalada Sochi ee dalka Ruushka dabaaldagga caalamiga ah ee ardayda iyo dhalinyaradda Adduunka oo magalaadaa kasoo bilowday October 14, lana soo gabagabaynayo maanta oo taariikhdu tahay October 24.

Maandeeq FM

Related Articles

Close