arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jaamacad Shaqaaleysiisay Tababare Dhanka Abeesooyinka ah Kadib Markii Ay Geeriyootay Ardayad Jaamacadda Ka Tirsanayd

Jaamacad ku talla dalka Nigeria ayaa qaadday tallaabo lama filaan ah oo shaqaaleysiisay qof abooseeyinka xanaaneeya kadib markii ardayad ay u geeriyootay qaniinyada abeeso gudaha jaamacadda.

Waxaa geeriyootay ardayad ka tirsan Kulliyadda Dhaqaalaha oo la yiraahdo Zaynab Cumar, kadib markii ay la dhibaatoonaysay suntan abeeso ku qaniinta gudaha jaamacadda “Umaru Musa Yar’Adua” oo ku tallada deegaanka Katsina ee Galbeedka Nigeria.

Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee jaamacadda Dr Suleymaan Kankara ayaa xaqiijiyay warka ah in jaamacaddu shaqaaleysiisay tababare dhanka abeesooyinka aad u yaqaanna, laakiin waxa uu sheegay in qorshaha jaamacadda ee shaqaaleysiintu uu ka horreeyay geerida ardaydda.

Waxa uu intaa sii raaciyay  “Mar kasta waa loo yeeri jira marka abeeso lagu arko gudaha jaamacadda, waxaan aad uga xunnahay geerida ardaydda Saynab. Waan dadaalnay intii tamartayada ah.”

Ardayddan ayaa jimcihii lasoo dhaafay abeesadu qaniintay, waxaa isla markiiba gurmad degdeg ah loogu fidiyay goob caafimaad oo ay jaamacaddu leedahay, laakiin ugu dambeyn waxay u geeriyootay suntii oo si degdeg ah ugu faaftay jirkeeda.

Waxaa xusid mudan, in shaqada xanaanada abeesooyinka iyo masaska ay caan ka tahay gudaha dalka Nigeria, iyadoo intabadan lagu arko waddooyinka dad abeesooyin iyo masas wata oo sameynaya bandhigyo kala duwan oo ay dadka kusoo jiita.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close