DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Muxaadaro uu Jeediyay Stephen Hawking oo Sababtay in Website-ka Jamacadda Cambridge Uu Shaqeyn Waayo!

Website-ka Cambridge ayaa shaqada ka istaagay kadib markii tiro farabadan oo doonaya iney akhriyaan muxaadaro uu jeediyay caalimka Physics ka ah ee Stephen Hawking lagu daabacay website-ka.

Jariidada “Telegraph” ayaa sheegtay in muxaadaradan oo cinwaankeedu yahay “Waxyaabaha Kownka Sii Fidaya Ugaarka ah“, taas oo markii ay da’diisu ahayd 24 jirka uu ka jeediyay gudaha jaamacadda, shalay ayaa markii ugu horreysay lasoo daabacay, iyadoo laga dheehan karo gudaha webstie-ka jaamacadda.

Sida ay jaamacaddu sheegtay wax maalin ka yar ayaa website-kii ay soo booqdeen dad gaaraya 60 kun oo qof, si ay u akhriyaan muxaadarada caalimka ee markii ugu horreysa la daabacay.

Hawking oo wax laga waydiiyay arrintan ayaa yiri: “Waa wax aad u fiican in dadbadani ay doonayaan iney la dagaan muxaadaradeyda oo ay daalacdaan, waxaan rajeynayaa inaan niyad jabin.”, waxa uu intaa sii raaciyay inuu jecelyahay in lagu daydo, maadama uu ogaaladay in waxqabadkiisii jaamacadda in la faafiyo, isagoo culumada kale ee sayniska ugu baaqay iney sidiisa oo kale sameeyaan.

Waxaa xusid mudan, markii hore makatabadda jaamacadda ayaa qofkii booqdaa ka helayay muxaadaraadka Hawking ama waxuu ku iibsaneysay 86 doollar, laakiin hadda si bilaash ah ayaa looga heli karaa websiteka Cambridge.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close