arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aasia oo Markeedii Ugu Horreysay Hogaamineysa Dalalka Ugu Passport-ka Sarreeya Dunida..Soomaaliya Halkee Lagu Qiimeeyay?

Marka la fiiriyo Qiimeyntii ugu dambeysay ee dhinaca Passport-yada, waxay Sumcadi dul hagoogan tahay dalyar ee la yiraahdo Singapore kaasoo ku mahadinaya darajada uu gaaray dalka Paraguay oo dhowaan ka qaaday xayiraaddii dhanka Fiisaha dadka heysta Baasaboorkooda.

Warbixin uu soo saaray urur deegaanka iyo Jinsiyadaha ka shaqeeya oo la yiraahdo Arton Capital, wuxuu qiimeyntiisa Passport-ka Caalamiga ah ku sheegay Baasaboorrada aan xudduuduhu badiba celin.

Waxaa ay sheegeysaa Warbixintu in Singaporean passport-keeda uu hadda si fudud kuugu sahlayo in aad ku socdaasho 159 Dal, Heyso visa ama ha heysan.

Ka hor inta uusan xayiraadda ka qaadin dalka Paraguay Baasaboorka dalkaas, Singapore waxay kaalinta koobaad ku wada jireen dalka Yurubta ku yaalla ee Germany, waxayna passport-yada labadaas dal kuu sahli kareen in aad ku tagto min 158-dal.

“Taariikhda waa markii ugu horreysay ee dal ku yaalla qaaradda Asia uu noqdo dalka ugu passport-ka sarreeya dunida,” Waxaa yiri Philippe May, Aagaasimaha waaxda Maareynta Arton Capital xafiiskeeda Singapore, oo war murtiyeed soo saaray.

“Tani waa warbixin u gaar ah horumarka Diblomaasiyadda ee ay gaartay Singapore oo siyaasadda dibadda aad uga dhisan.”

Dalalka kale ee Asia ku yaalla ee 20-ka hore ay soo galeen Baasaboorradoodu waxaa ka mid ah South Korea, Japan iyo Malaysia.

Waxaa macno weyn sameyneysa in Baasaboorka Mareykanku uu hoos u dhac sameynayay tan iyo markii uu talada yimid madaxweyne Donald Trump, warbixinta qiimeynta ah ayaa sidoo kale lagu yiri dalka Turkey iyo kan Central African Republic ayaa ah kuwii u dambeeyay ee dadka heysta Baasaboorka Mareykanku ay u baahdaan in ay Fiiso kusoo galaan.

New Passport Index power ranking

1 .Singapore: 159

2 .Germany: 158

3 .Sweden, South Korea: 157

4 .Denmark, Finland, Italy, France, Spain, Norway, Japan, United Kingdom: 156

5 .Luxembourg, Switzerland, Netherlands, Belgium, Austria, Portugal: 155

6 .Malaysia, Ireland, Canada, United States: 154

7 .Australia, Greece, New Zealand: 153

8 .Malta, Czech Republic, Iceland: 152

9 .Hungary: 150

10 .Slovenia, Slovakia, Poland, Lithuania, Latvia: 149

Sidaas darteed dalalkee ugu yar shaqeynta Baasaboorkooda? Marka la fiiriyo qiimeyntii u dambeysay ee Passport-yada waxaa diiwaanka hoose ku jira Afghanistan, oo ugu hooseysa waxaa lagu tegi karaa 22-dal, waxaa ku xiga Pakistan iyo Iraq (min 26 dal), Syria (29-dal) iyo Somalia (34-dal).

“In Visa la’aan la isu gudbo dunida oo dhan waxay dunida manta ka tahay arrin Saameyn weyn leh,” waxaa yiri Armand Arton, oo ah Aasaasaha iyo Madaxweynaha Arton Capital.

W/D: Muuse Cabdi

Maandeeq FM

Related Articles

Close