WararkaWaxbarashada

Ciidamada AMISOM oo Iskuul Ku Yaalla Duleedka Muqdisho Ku Dilay Arday iyo Macallimiin

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaannada Carbiska iyo Lafoole ayaa waxay sheegayaan in ciidanka AMISOM ay halkaasi ku dileen arday iyo macallimiintooda.

Ciidamadan oo marayey meel aan ka fogeyn jaamacadda beeraha ayaa la sheegay in lala eegtay qarax miino ah oo aad u xooggan, balse qaraxa kadib ciidanka AMISOM waxay fureen rasaas badan iyagoo aan u aabba yeelin cidna.

Qoriga baasuukaha ayaa la tilmaamay iney la eegteen Iskuulka Al-furqaan oo ka agdhawaa halkaasi, waxaana ku dhimatay in ka badan 15 qof oo iskugu jirtay Arday iyo macallimiin iskuulka wax ka dhigeysay, iyadoo dhaawacna lasoo sheegayo, wararka hadda soo dhacaya ayaa sheegaya in 4 qof ay dhimashadu sii marayso.

Waxaa xiran wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo AMISOM ah, waxaana dadka dhaawaca ah loo soo qaaday dhanka isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Maandeeq FM

Related Articles

Close