UncategorizedWacyigelinWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Xeelado aad Ku Ogaan Karto Markii Farriin Laguu Soo Diray ay Tahay Mid Been ah

Ma sahlana in beenta la kashifo oo laga ogaado wada sheekaysi toos ah, waxaase taa kasii daran marka la yiraahdo beenta ayaa laga dhex eegayaa qoraallo la isku qoro.

Laakiin cilmibaaryaal ayaa isku dayay iney helaan astaamo farrimaha lagu garan karo in qoraalku uu xaqiiqda ka fogyahay oo beeni ku jirto iyo in kale.

Cilmibaarayaashan oo baaritaan ku sameeyay boqolaal farriimood ayaa waxay arkeen in dumarku si gaar ah loo ogaankaro xilliyada ay beenta sheegayaan dhanka farriimaha, halka raggana ay adag tahay xilliga farriimaha in la kala saaro marka ay runta sheegayaan iyo xilliga ay beenta afuufayaan.

Daraasaddan oo lagu faafiyay arXiv” ayaa cilmibaarayaashu waxay hor-u-mariyeen App Android ah oo si gaar ah u falanqeeya qoraallo ay qoreen dad boqolaal gaaraya oo cilmbiaaristu ay saameysay.

Kooxda cilmbaarista sameysay oo ka koobneyd; Joso Dou, mechelle Liu, Haaris Muneer iyo Adm Schlussel oo ka tirsan jaamacadda Cornell University, ayaa waxay daraaseeyeen muddo  7 cisho ah data ay soo uruuriyeen, iyagoo dib u eegis ku sameeyay wada sheekaysiyo 1703 qof ay sameeyeen, waxay tirtireen oo Apps kii uu adeegsadeen dhammaan farriimaha aaney beentu ku jirin, waxaa u soo hartay 351 farriimood oo ay ka hubsadeen in been lagu sheekaysatay.

Datadii ay uruuriyeen ayay ka ogaadeen in farriimaha beenta ah ay ahaayeen kuwo dhaadheer oo ka tiro badan farriimaha runta ah oo sida dhexdhexaadka ah la ogaaday inaaney 8 kalmadood ka badneyn.

Cilmibaarayaasha ayaa arkay in arrinta ay ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarku adeegsiga magac-u-yaallada marka ay farriimaha dirayaan, sida; magac-u-yaalka “Aniga” oo dumarka ku badan marka ay beenta sheegayaan.

Dumarku sida caadiga ah waxay adeegsadaan 8 kalmadood celcelis ahaan xilliyada ay farriimaha qorayaan, waa marka aan ka eegno dhanka luqadda Engilish-ka, laakiin marka ay beenta sheegayaan waxay adeegsadaan illaa 9 kalmadood iyo wax ka badan. Halka raggu marka ay runta sheegayaan iyo marka kalebaay adeegsadaan 7 kalmadood si isku mid ah, ayna adag tahay in la kala saaro marka ay runta sheegayaan iyo marka kale ee ay beenta u bareerayaan.

Sidaas oo kale, waxay cilmibaaryaashu arkeen iney dadka beenta sheegayaa ay inta badan isticmaalaan erayada gaar ahaaneed ee shakhsiyaddooda ah sida; Aniga”, intii ay adeegsan lahaayeen “adiga farriimaha ay dadka kale u qorayaan.

Dhanka kale, ragga ayaa iyagana la ogaaday marka ay beenta sheegayaan erayada ay sida gaarka ah u isticmaalaan ay tahay “Waan hubaa, halka dumarkana ay adeegsadaan “Waan isku dayi doona“, marka ay doonayaan inaaney howshaa u dhaqaaqin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close