TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Facebook oo Joojisay Adeeggii Bilaashka ahaa ee Faafinta Wararka Warbaahinta

Facebook ayaa si rasmi ah usoo kordhiyay barnaamij cusub oo la yiraahdo Explore oo kala saaraya akhrinta qoraallada lagu faafinayo barta iney tahay mid caadi ah oo saaxiibo loogu talogalay iyo iney tahay mid gacansi.

Sida uu sheegayo website-ka “Maschal” ee teknoolajiyadda ka faalooda, waxaa bilaabatay tijaabada barnaamij cusub oo kala saaraya wararka ay baahiyaan warbaahinta iyo tan ay dadku si caadi ah ay dhexdooda u wadaagaan. Arrinta oo dhabarjab weyn ku ah dadka wararka ku faafiya barta ee ku tiirsan baraha bulshada si ay akhristayaashooda u gaaraan.

Sidaa darteed “Facebook” hadda wixii ka dambeeya dadka wararka faafiya meel bilaash u ah maaha, qofka aan lacag bixin oo aan lacag dadka wax ku gaarsiin waxa uu fishaa waa iney hoos u dhacaan akhristayaasheeda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close