WararkaWaxbarashada

Laba Qof oo Tahriibinayay Masas iyo Xamaaratooyin Kale oo Lagu Qabtay Dalka Cambodia

Booliska Cambodia ayaa qabtay Labo qof oo looga shaki san yahay iney isku dayayeen iney si dhuumasha ah ku dhoofiyaan hal-tan oo Masas iyo xamaarato nadir ah.

Jariidada Phnom Penh Post ayaa sheegtay in la qabtay labada qof oo lagu tuhunsan yahay deegaanka Angkor Buri ee gobolka Takeo, waxay kor saarnaayeen gaadiid ay ku jiraan masas, xamaratooyin iyo shimbiro nadir ah.

Chaiv Chandara oo ah afhayeenka maxkamadda gobolka Takeo ayaa jariidada u sheegay in amar ay maxkamaddu soo saartay lagu qabtay labadaa nin ee eedaysanayaasha ah, booliskana waxaa lagu amray iney la wareegaan xaywaanka la qabtay.

Dalka Cambodia ayaa la dhibaatoonaya joojin tahriibinta xawaanaadka naadirka ah ee dalkaasi leeyahay oo muddo sanado ah si dhuumasha ah lagu guranayay.

Si kastaba, warbaahinta dalkaas ayaa sheegaysa iney boolisku hore u joojiyeen 615  oo ah dambiyo la xiriira xayawaanaadka oo la diiwaangeliyay nuskii hore ee sanadkan.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close