arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Boolika Japan oo Ganata Ku Dhigay Tuug “Ninja” ah oo 74sano Jir ah

Booliska Japan ayaa waxaa u suurtagalay iney qabtaan nin 74 jir ah oo xirnaa dharka madow wajigiisana ku qarinayay maskaro, darbiyadana u korayay sida dagaalyahannada Ninjaha oo kale si uu guryaha u xado.

Booliska Osaka-bari ayaa muddo 8sano ah ay ku qaadatay iney gacanta ku soo dhigaan, iyagoo kaamarada ka daawan jiray tuug xariif ah oo wejigu u daboolan yahay, xeelad ay ku gaaraanna ay la la’aayeen.

Sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee AFP,  Mas’uul ka tirsan booliska ayaa yiri, “Waxa uu watay dharka madow ee dagaalyahannada Ninjaha lagu yaqaanno.”

Tuugan ayaa bishii May mar uu guri u dhacayay ayaa waxaa ka dhacay maaskarihii uu wejigiisa ku qarinayay, sidaa darteed isla markiiba wejigiisa ayaa la gartay, waana lasoo qabtay.

Tuuggan oo su’aalo la waydiiyay ayaa yiri, “Ma jecli shaqada, waxaan u arkaa in tuuganimadu ka sahlan tahay.”. dami baarayaashi waxa uu u sheegay in 10 daqiiqo oo qura ay ku filan tahay si uu ugu dhaco guriga una xado xilliga ay dadku hurdaan.

Tuuggan ayaa ku eedaysan illaa 254 kiis oo isbiirsaday muddo 8sano gudahood ah, iyadoo qiimaha lacageed ee uu xaday lagu qiimeeyay illaa 30 milyan oo Yen oo u dhiganta illaa $257kun oo doolar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close