WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Shiinaha Ku Taalla oo Darajooyin Dheeraad ah Siinaysa Ardaydii Miisaankoodu Isdhimo

Jaamacad ka dhisan dalka Shiinaha oo la yiraahdo Jiangsu ayaa qorsheynaysa iney ardaydeeda ku dhiirigeliso iney miisaanka jirkooda iska dhimaan si ay caafimaadkoodu u wanaagsanaado, iyadoo ardayda laga diiwaangelinayo barnaamij tababar gaar ah oo ay ku heli karaan darajooyin marka uu misaankoodu is dhimo.

Fikaradda ayaa waxaa keenay professor wax ak dhiga kulliyada beeraha ee jaamacadda Jiangsu oo la yiraahdo Tsu Koanfo, waxa uu baaritaan ku sameeyay ardayda waxaana usoo baxday in ardayda buurbuuran oo dhan aaney wax sports ah sameyn, iyagoo u arka wax aan nacfi lahay, sidaa darteed waxa uu damcay inuu ku dhiirigeliyo darajooyin dheeraad ah oo ay helayaan marka ay sports sameeyaan.

Waxa uu macallinkaasi go’aan saday in 60% darajada guud ee heerka jaamacadda uu ku xiran yahay tirada miisaanka uu iska dhimo, halka 40% uu ku tiirsan yahay daraasaadka caadiga ah, iyadoo sharuudda ay tahay y dhammaadka semester kasta in ardayga uu 7% miisaankiisa is dhimo.

Waxaa la tilmaamayaa ardayda doonaysa iney barnaamijka ka qeybgalaan marka hore baaritaanno kala duwan la marsiinayo, waxaana la diiwaangelinayaa qofka aan baruurta jirkiisu ka badneyn 30%, iyadoo la doonayo in cufnaanta jirkuna aanuu ka yareyn 28.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close