WararkaWaxbarashada

Qalab Cusub oo Kor u Qaadaya Kartida Maskaxda Aadanaha oo Lasoo Hindisay

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda McGill iyo sheybaarka “HRL” ee dalka Canada, ayaa soo saaray qalab hor-u-marinaya awoodaha aqooneed ee maskaxda aadanaha.

Maamulka mashaariicda iyo cimibaarisyada-Sayniska ee wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa maalgeliyay mashruuc hab koronto ah ku shaqeeynaya oo lagu dhiirigelinayo maskaxda aadnaha.

Qeybaha uu qalabkan ka kooban yahay ayaa maskaxda lagu rakibayaa iyadoo wax qalliin ah aan lagu sameynayn qofka.

Qalabkan ayaa lagu tijaabiyay markiisii ugu horreysay daanyeer, waxana uu awoodiisa aqooneed ee wax kororsi uu kordhiyay 54.4%.

Cilmibaayaasha ayaa aaminsan in habkoodan cusub uu si ballaaran u shaqeyn karo oo dadka ugu horreya ee ka faa’ideystaa ay noqon karaan milatariga.

Maandeeq FM

Related Articles

Close