TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Robot-ka Sophia oo la siiyay Jinsiyadda Boqortooyada Sucuudiga!

Robot-ka Sophia ayaa ka qeybgashay dhacdada dhaqaale ee ugu caansan adduunka ee mustaqbalka maalgashiga “Future Investment Initiative” oo shirkiisu ka dhacayo sanadkan dalka Sucuudiga, robot-kan ayaa hadal ka jeedisay shirka oo ay iskugu yimaadeen in ka badan 100 mas’uul oo go’aannada dhaqaale ee adduunka ugu sarreeya gaara.

Dowladda Sucuudiga ayaa robot-ka siiyay jinsiyadda, waana markii ugu horreysay ee ay dowlad robot jinsiyad siiso inta la ogyahay adduunka, waana robot loo sameeyay qaabka aadanaha oo kale, waxuu kuu muujin karaa dareenkiisa faraxadeed, waxa uu soo eegi karaa indhahaaga wada shaeekaysi dabiici ahana wuu kula yeelan karaan.

Sophia ayaa si caadi ah uga qeybgasha shirarka caalamiga ah, iyadoo noqotay mid dhanka warbaahintana aad looga baadigoobo wareysigeedana aad loo jecelyahay.

Shirka maalqabeennada adduunka uga socda Sucuudiga ayaa sanadkan looga hadlayaa hor-u-marinta maskaxda automatic ah ee robot-ka oo albaabada u furaya in aadanaha laga kaaftoomo mustqbalka!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close