WararkaWaxbarashada

Sareedada Einstein oo Qof aan Lagaraneyn looga Iibiyay 1.56 Milyan oo Doollar

Aragtida Einstein ee ‘Sareedada’ iyo faraxadda ayaa lagu kala iibsaday 1.56 milyan oo doollar waxaa laga iibiiyay qof aan magaciisa la shaacin laakiin aad ugu faraxsanaan iibka aragtida sareedada Caalimka.

BBC ayaa sheegtay in Labo warqadood oo gacan quraalka Einstein ah oo uu kaga hadlayo Theory-ga(aragtida) sareedada iyo faraxadda ayaa lagu iibiyay lacagahaa aadka qaaliga u ah, oo lagu kala iibsaday mid ka mid ah xarumaha iibsiga.

BBC waxay sheegtay in Einstein uu labadaa warqadood siiyay qof boostada ka shaqeeya gudaha magaalada Tokyo sanadkii 1922, ayaa intii uu khidmad adeeg siina lahaa ayuu siiyay labadan warqadood oo ku qornaa luqadda Jarmalka.

Guriga auction house ee xaraashyada ayaa sheegay in qofka iibsaday uu u dhashay Yurub isla markaana uu doonayo in la qariyo magaciisa, laakiin waxa uu aaminsan yahay inuu yahay qaraabada qofkii markii hore Einstein u hadiyeeyay warqadaha.

Einstein waxa uu ku dhashay dalka Jarmalka sanadkii 1879, waxaana uu haystay sidoo kale jinsiyadaha Swiss iyo Mareykanka, labadiisa aragtiyood ee “General Relativity” ayaa la sheegaa nay aasaas u ahaayeen hor-u-marka Physics-ka casriga ah. Sanadkii 1921 ayuu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize Physics-ka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close