WararkaWaxbarashada

Scholarship Master’s Degree ah oo Ay Iska Kaa Shanayaan Jaamacadda Camuud iyo UNDP

Jaamacadda Amoud University iyo UNDP ayaa iska kaashanaya barnaamij Scholarship ah oo lagu baranayo Master’s degree  oo lagu baranayo daraasaadka deegaanka iyo isbedelka cimilada.

Barnaamijkan waxbarasho ayaa ah mid taageeraya barnaamijka ay waddo UNDP oo la doonayo iney dadku kula qabsadaan isbedelka cilmillada bulshooyinka daciifka ah iyo nidaamyada kale ee uu taageero Global Environmental Facility (GEF).

Barnaamijkan ayaa ula jeedadiisu yahay in lagu tababaro awood dhalinyaro ka  qeybqaadan kara maamulka ilaha dhaqaalaha iyagoo sameyn doona cilmibaarisyo deegaan oo lagu talo siinayo dadka siyaasiyiinta ah nidaam deegaaneed wanaagsanna lagu abuurayo.

Waxay ardaydani sameyn doonaan cilmibaarisyo ku aaddan goobaha dadka ugu tamarta daran yahay ee Somaliland iyo Soomaaliya guud ahaan, iyo sida ay suurtogalka ku tahay iney deegaankooda ula qabsaadaan.

Barnaamijkan ayaa bilaabanaya September oo lagu bilaabayo 30 arday oo wax ku baranaya jaamacadda Camuud, waxaana waxbaraya macallimiin xirfadoodu sarreyso oo haysta PhD professors-na ka ah oo wax ka dhiga jaamacado caalami ah.

Shuruudaha Scholarship ku xiran

1 .Waa inuu qofku yahay muwaadin Soomaaliyeed

2 .Waa inuu haysto Bachelores Degree, takhasusyada kala ah, Environmental Science, Environmental Education, Natural Resources Management, Geography, Geology, Meteorology, Physical Sciences, Biological Sciences, Agriculture iyo rangeland management.

3 .Waa inuu ka yaryahay 35 jir

4 .Waa inuu aad ugu wanaagsan yahay luqadda Engilish akhris-qoris iyo ku hadal intaba.

Fursadaha

UNDP ayaa ka faalo qaadaysa dadka ku guuleysta minxo dhameystiran kharashka waxbarashada, kan maceeshadda iyo gaari raaca, halka dadka minxo-qeyb ah ku guuleystana ay hay’addu ka bixineyso kharashka waxbarashada oo qura.

Waxaa tixigelin la siinayaa dumarka soo codsada deeqdan waxbarasho.

-Xilliga ugu dambeya ee codsiga ayaa ku eeg 31/10/2017.

Haddii aad daneynayso Guji halkan oo codso

Maandeeq FM

Related Articles

Close