WararkaWaxbarashada

W/Waxbarashada XF Soomaaliya oo Isbedel Ballaaran Lagu Sameeyay Madaxdii Waaxyaha Kala Duwan Ee Wasaaradda

Wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sameeyay isbedelkii ugu ballaarnee ee mas’uuliyiin cusub loogu magacaabay jagooyinka muhiimka ah ee wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo  tacliinta sare Cabdi Daahir Cismaan ayaa wareegto uu soo saaray maalinimadii shalay ku magacaabay agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, iyadoo guddiga shaqada iyo shaqaalahana la siiyay wargelin.

Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyay Agaasimeyaasha wasaaradaha, kuwaasi oo lagu amray iney imtixaan u soo galaan shaqada oo ay markale soo codsadaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close