UncategorizedWararkaWaxbarashada

Xayawaankuna Dareenka Masayrka Waxa uu La Wadaagaa Aadanaha (Cilmibaaris)

Daraasad  cusub ayaa lagu ogaaday in xayawaanku leeyahay dareenka “masayrka” si la  mid ah aadanaha, iyadoo aaney ogoleyn xayawanka qaar in lala wadaago lamaantooda, sidaa darteed waxay leeyihiin ficilka aadanaha ee Masaryrka iyo Jacaylka.

Website-ka Psychology Today ayaa qoray in masayrka aadanaha iyo xayaanka uu isku si u saameeyo maskaxda qeybo gaar ah, xilliyada xiriirka guurka, dareenka xanuunka iyo xiriirka lamaanihiisa.

Cilmibaaristan ayaa waxaa sameeyay saynisyahanno ka tirasan jaamcadda California, waxayna cilmbiaaris ku sameeyay daanyeerro rag iyo dumar ah oo sawir shucaac ah lagu sameeyay maskaxdooda habka ay u shaqeynayso lagula socday, marka ay la joogaan cid ay is leeyihiin xiriirkiina dhibaato ayay ku tahay, waxaana u caddaatay in dareenka Masaryrka ay leeyihiin xayawaanka qaar.

Daraasaddan ayaa natiijadeeda lagu ogaaday “In 4% xayawaanka naasooleyda ah aaney ogoleyn in lamaanahooda lala wadaago.”

Waxaa kale oo daraasaddan lagu ogaaday in daanyeerka ragga ah uu  walwal badan dareemayo marka uu arko mid kale oo lamaantiisa kula tartamaya, haddii uu isku soo dhawaanshiyo ka dareemana waxa uu isku dayayaa inuu lamaantiisa si goonni ah u xakameeyo si aaney mid kale wax dareen ah ula wadaagin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close