UncategorizedWacyigelinWararkaWaxbarashada

8 Qodob oo Muhiim u ah Tallaabada Labaad ee “Jaranjarada Guusha”

Tallaabada labaad ee lagama maarmaanka u ah jaranrajada guusha waa “Fulin”, waxaa lagama maarmaan ah inaad qaaddo labaabooyin fulineed si aad ku gaarto guusha aad tiigsaneyso.

Horey waxaan uga sheekaynayay tallaabada kowaad ee guusha lagu gaaro oo u badneyd go’aan gaaris adiga iyo naftaada ah iyo qeexidda yoolkaaga nolosha oo la’aantii aan tallaabo horey loo qaadi karin.

Hadaba, waxaan maanta idiin soo gudbineynaa 8 tallaabood oo muhiim u ah guusha, si aad u gaarto yoolkaaga nolosha:

1  .Howlaha yaryar marka hore ka bilow

Naftaada marwalba dhiirigeli shaqo maanta kuu taallana barri ha u dib dhigin, maxaa yeelay barri waxa ku qabsan doona ma ogid, yoolkaaga weyn u sameyso jaranjaroonin yaryar oo aad ku gaarto iyagana ka bilow. Howluhu sida ay u kala fudud yihiinna u kala hormari.

2  .Iska fogee wax kasta oo ku mashquulin kara

Waxaa hubaal ah inaadan xilli kasta shaqo ku jiri karin oo aad baahaneyso madadaalo, laakiin ogow in markasta ay lagama maarmaan tahay inaad naftaada xakameyso wax kasta oo kaa mashquulin kara inaad yoolkaaga gaartana aad ka fogaato.

3  .Ha kugu Hareeraysnaadaan dad Guuleystayaal ah

Markasta oo ay ku garab joogaan dad guuleystayaal ah waxaa hubaal ah iney kugu dhiirigelinayso arrintaasi guusha, waxaad ka helaysaa khibrado dheeraad ah, talooyinka ay ku siiyaanna kama laba labaynasid ee sida ay tahay ayaad u fulineysaa, baadigoob dadka guuleystay ee mihnadaada oo kale leh, daraasad ku samee waxyaabihii ay ku guuleysteen iyo taariikh nololeedkooda.

4  .Ku Kalsoonow howlgudashada shaqalahaaga

Si aad guul u gaarto waa inaad kalsooni gelisaa dadka kula shaqeynaya, marnaba ha xaqirin awooda ay u leeyihiin iney howshooda ku gutaan, iney ku arkaan adigoo wax kasta luga kula jiraa waxay keenaysaa iney kugu dhibaatoodaan, kuna nacaan.

5  .Guusha waa mid u baahan in wax loo huro

Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qofka aan khatarta u bareerin ay adag tahay inuu guul gaaro, maalgasho meelaha ay dadku ka baqayaan iney hantidooda geliyaan, marna gadaal ha u eegin waxay dadku kaa sheegayaan, arrintaasi waxay keenaysaa dhibaato kasta oo aad waajahdo inaan xalkeeda si fudud ku gaarto, maadaama aad naftaada ku kalsoon tahay.

6  .Naftaada ku dadaal

Ha illoobin naftaada marka aad ku socoto wadada guusha, haddii caafimaadkaaga ay waxyeello soo gaarto taasi waxay saameyn ku yeelaneysaa noloshaada waxayna caqabad ku noqonayaa socdaalkaaga guusha. Sports ciyaar, hurdo fiican seexo.

7  .Xal u raadi mushkiladaha kugu hareeraysan

Ha noqon qof anaani ah oo naftiisa un ka fakara, mushkiladaha kugu hareeraysan ku fakar wixii aad ka qaban karo, dalaal aad sameyn karto oo aad qof kale wax kula qaban kartana ha hagran. Marka aad dooneyso inaad gaarto guul muhiim ah samee ganacsi dadka mushkiladahooda xalliya, tusaale ahaan, Facebook waxa uu xal u noqday mushkiladda xiriirka bulshada oo si fudud ku wada sheekaysanaysa dunida daafaheeda.

8  .Ka Faa’ideysto Teknoolajiyadda

Teknoolajiyadda waa hub labo af leh, waxaad uga faa’ideysan karaa inaan yoolkaaga ku gaarto, halka dhanka kalena ay wakhtigaaga kaa dayacayso oo aad is arkayso adigoon meel cidlo ah taagan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close