WararkaWaxbarashada

Dalka Mareykankana Ardayda Waa Lagu Canaantaa!

Waxaa baraha bulshada si weyn ugu faafay muuqaal si aad ah loogu canaanayo arday, waxaa arrinkaa si aad ah u cambeeray wasaaraadda Waxbarashada dalka Mareykan, waxaana lagu amray in mas’uulkaa shaqada laga fariisiyo, iyadoo ficilkaa lagu tilmaamay in “dib u dhac ah”.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail”, maamule ku xigeenka iskuul ku yaalla dalka Mareykanka ayaa shaqadadii laga joojiyay kadib markii uu si aad ah u faafay muuqaal uu si aad ah ugu canaanayo arday. Jariidada ayaa xustay in Thomas Bacon uu ardayga si xoog ah ugu hor canaananaya arday saaxiibadii ah hortooda. Ardayga Amari Pemberton oo 15 jir ah ayaa maamule ku xigeenka ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xilli uu cafeteria uu saaxiibadii kula sheekaysanayay.

Maamule ku xigeenkan ayaa booliska u sheegay in ardayga markii hore uu si caadi ah ula hadlay oo uu doonayay inuu si dagan cafeteria ah uga saaro, laakiin uu diiday, uuna feeray qaar ka mid ah macallimiintii la socotay, “Waxana isku dayay inaan si dagan ula hadlo, laakiin aad ayuu iiga hor yimid sidaas ayaan keentay inaan dhulka ku wada dhacno.”

Hooyada ardayga oo la yiraahdo Jennifer ayaa tiri “Wiilkaygu wax diidmo ah ma aanuu sameyn, arrintaana waxaa laga arki karaa muuqaalka.”

Dhanka kale, maamulka iskuulka oo soo saaray bayaan ay sheegay in maamulaha ay gabi ahaanba shaqadii ka joojiyeen.

Si kastaba, dalka Mareykanka ayaan la ogoleyn in macallimiintu ay canaantaan amaba ay garaacaan ardayda, waxaa loo aqoonsan yahay ficil dambiyeed dib u dhac ah oo aan xilligan casriga ah ku habbooneyn, iyadoo xeeldheerayaasha tarbiyaduna ay arrintaa ku raacsan yihiin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close