CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Ha Kala Joojin Oohinta Si Aadan u Jiran!

Iyadoo ay jirto in oohinta ay tahay dareenka aan ku cabirno murugada, ayaa hadana waxay leedahay faa’idooyin badan oo dadka badankoodu aaney ogeyn.

Oohintu waxay ka hortagtaa inuu dhuugu kaco, waxay hagaajisaa neefmareenka, waxay nidaamisaa garaaca wadnaha, waxay dhiirigelin wanaagsan u noqotaa wareegga dhiigga, waxayna ka hortagtaa cudurka Sokorowga.

Waxay oohin qoysaa xuubka sare ee isha. Waxayna safaysaa aragga qofka, indhahana jeermiska ayay ka dishaa.

Faa’idooyinka kale ee ay leedahay waxaa ka mid ah sunta ayay jirka ka saartaa, neerfayaashana culeyska ayay ka dajisaa.

Sidaa darteed, markaad oohin bilowdo ha kala jarin, waxaa dhici karta inaad ku xanuusato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close