CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

4 Faa’iido oo Muhiim ah oo Laga Helo Soonka Biyaha

Waxaa jira sababo badan oo keena in biyaha laga soomo, waxaa ka mid ah sabab diineed; Soonka bisha Ramadaan oo kale, sabab caafimaad; xilliyada baaritaannada oo kala duwan ee jirka,  noocyadaa soonkan ah dadku muddo dheer ayay sameynayeen oo kumaan sano ka hor ayay yaqaaneen.

Warbixin lagu daabacay website-ka “healthline” ee kasoo baxa gudaha dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay faa’iidooyin badan oo laga helo soonka biyaha oo lagu ogaado cilmibaarisyo la sameeyay, waxaa ka mid ah:-

1 .Soonka biyaha waxa uu yareeyaa khatarta ay leeyihiin cudurro farabadan oo ah kuwa lala noonaado sida Kansarka, cudurada wadnaha, sonkorowga iyo AlZheimers-ka.

2 .Waxa uu caawiyaa inuu hoos u dhaca cadaadiska dhiigga.

3 .Waxa uu u wanaagsan yahay  xasaasiyadda insulin-ta iyo leptin-ka oo labaduba muhiim u ah jirka aadanah.

4 .Waxa uu hoos u dhigaa heerka Kolestarool-ka dhiigga iyo duxda oo la aaminsan yahay iney yihiin sababaha ugu badan ee keena cudurada wadnaha.

-Waxaa loo baahan yahay iney si gaar ah dhakhaatiir ula tashadaan, markii dadkan aan sida gaar ah u sheegaynno ay doonayaan iney biyaha ka soomaan, Bukaanka qaba cudurada sonkorowga, cudurada kalyaha, cunto xumo, waayeelka,  haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close