WararkaWaxbarashada

Arday Soomaaliyeed oo Kaalmo Hore ka Galay Tartanka Dhaqanka ee Jaamcadda Johannesburg

Waa barnaamij hido iyo dhaqan ah oo ay soo agaasintay Jaamacada Johannesburg  ee dalka Koonfur Afrika, waxaa ka qeybgalayay ardayda dhigata jaamacadaasi ee ka kala yimid dalalka dunida waxaa ka  mid ahaa ardayda Soomaalida ee jaamacadaasi wax ka barta.

Arday walba waxaa ay soo bandhigayeen hidaha iyo dhaqanka dalkooda sida cunnada ay dhaqan ahaan leeyihiin,dharka dhaqanka oo ay xertaan ,cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wax waliba oo ay lasoo shirtagi karaan si ay u muujiyaan in ay ka dhax muuqdaan dhaqamada kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigayay.

Dhalinyarada Soomaaliyeed inta aaney  garoonka soo galin waxyar ka hor, waxaa loo aamusay tacsida dadkii ku dhintay qaraxii bahalnimada ahaa ee 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe.

Markii ay soo dhamaatay cayaarta ayaa guddiga garsoorka ee qiimaynayay dhaqamada kala duwan kooxaha soo bandhigayay waxaa ku dhawaaqeen natiijada cayaarta waxaana Soomaaliya ay soo gashay kaalinta labaad.

Waxaa Sido Kale Soomaaliya ay  kaalmo ugu horeeya ka heshay qurxinta iyo diyaarinta waxaa ay ka haleen kaalinta kowaad,cayaarta ay soo bandhigeeen kaalinta labaad halka sido kale kaalinta labaad ay ka galeen dharka iyo hidaha iyo dhaqanka.

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee SONNA

Maandeeq FM

Related Articles

Close