DugsiyadaWararkaWaxbarashada

Fursad Dhab ah oo aad Ku Baraneyso Programming-ka aadna Ku Helayso $1milyan oo Dollar

Madaxweyne ku xigeenka Imaaraatka Carabta ahna Ra’isul-wasaaraha dalkaas Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum  ayaa ku dhawaaqay mashruuc aad u ballaaran oo loogu magac daran “Million Arab Programmer” oo Programming-ka lagu barayo hal-milyan oo Carbeed, si loola jaanqaado hor-u-marka dunida ee dhanka Teknoolajiyadda, iyagoo waddankooda jooga, duruustooda tooska ah waxay ka qaadanayaan dhanka Internet-ka.

Mashruuca ayaa ka kooba maaddooyin farabadan oo illaa 125 program ah oo  kala duwan, mid kiiba la doonayo iney wax ka bartaan 1000 arday.

Abaalmarinada lagu bixinayaana waa hal-milyan oo dollar oo la siinayo qofka kaalinta koowaad gala, $50,000 Konton kun oo dollarna la saiinayo qofka soo gaara kaalmaha tobonka ah ee ugu sarreeya ee imtixaanka kama dambeysta ah. koorsadan ayaa soconeysaa muddo 3 bilood ah laga bilaabo bisha Janaayo, 2018.

Maadama ay Soomaaliya ka mid tahay dalalka Carabta ah ee dunida, waxaa kuu suurtogaleysa inaad codsato, adigoo gujinaya link-iga halkan hoose

http://www.arabcoders.ae/

Maandeeq FM

Related Articles

Close