CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Iska Ilaali.. “Dilaaga Aamusan” ee Guriga Kuu Jooga!

Dhakhaatiirta xoolaha oo uga digaya gabdhaha iney rabaayadeystaan xaywaanaadka dad joogta ah ee dhadigga ah, waxaa laga qaadaa cudurro loo dhinto, gaar ahaan dhanka gabdhaha.

Xaywaanka dad joogta ah ayaa laga qaadaa cudur la yiraahdo  Pyometra  oo ah  cudur khatar ah oo riximka ku dhaca, haddii la daweyn waayana keena iney kalyuhu shaqadooda gabaan, dhiiggu sumoobo, jirka uu qaleyl ku dhaco, xaaladaha qaarna waaba loo dhintaan.

Warbixin lagu soo daabacay jariidada Daily Mail ayaa dhakhaatiirta xoolaha ay ku talinayaan in xayawaanka la rabaayadeysto ee ugu fiican uu noqdo mid lab ah intii ay dhadig rabaayadeysan lahaayeen, si khatarta cudurkaa loo xakameeyo.

Cudurka  Pyometra ayaa ah mid ay keento bakteeriyada, waxaana ka dhalanaysa in malax ay ka buuxsanto ilma-galeenka, astaamaha lagu gartana waxaa ka mid ah matag, daal farbadan iyo qashin saarka jirka oo yaraada, sida saxarada, kaadida iyo dhididka.

Pyometra ayaa si lagu daweeyo u baahan qalliin degdeg ah iyadoo qallinkaas ay ku hareeraysan tahay khataro farabadan, waxaa dhici karta in riximka oo dhan la saaro, waxana dhici karta inuu jirka intiisa kale ku faafo.

Si kastaba, inta badan waxaan dhaqanaa waa bisado sida ay hadda warbixintan sheegaysana curriga ayaa ugu fiican marka aad nooca bisadaha dhaqaneyso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close