WararkaWaxbarashada

Raadka Saxda ah Halkii Laga Helay Doontii Nabi Nuux CS

Khubaro ku takhasusay culuumta Geology iyo archaeology, ayaa waxay aaminsan yihiin in doontii Nabi Nuux CS, booskeeda saxda ah ee laga helay yahay dalka Turkiga, kadib markii maalmo 100 caalim ay isla falanqeeyeen alwaax caddeyn u noqonkara arrintaasi.

Cilmibaaryaashu waxay tilmaamayaan in ugu dambeyn doonida booskeeda saxda ah ee laga helay uu yahay gobol buureedka Mount Ararat ee bariga dalka Turkiga.

Cilmibaaraha Mareykan ah ee la yiraahdo Professor Paul Esprante oo ka mid ah 100 caalim oo ka sheekaysanayay dood cilmiyeed heer caalami ah oo 3 maalmood socotay lagagana hadlayay buurta Mount Ararat iyo doontii Nabi Nuux CS, waxayna isla falanqeynayeen caddeymaha halka ay ku caariday Doonidaasi.

Khubarada ayaa ka sheekaystay alwaaxdii caddeynta doonta ah oo qaarkood oo 7sano ka hor laga helay agagaarka buurta, iyadoo  in  cilmibaarayaasha qaar ay shaki ka muujinayaan arrintaas.

Sida ay qortay jariidada “The Express” professor Esprante waxa uu ku qanacsan yahay in macmuumaadka la hayo oo ku saabsan raadka saxda ah, waxa uu ku baaqayaa in la sameeyo cilmibaarisyo cusub oo si kama dambeys ah arrintaa loogu ogaaneyo.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close