arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Tallaabo Hal-abuurnimo Leh.. Xariiqmo 3D ah oo Loo Sameeyay Waddooyinka Iceland

Hor-u-mar cusub oo dhanka magaalooyinka iyo dhismaha ah, Iceland ayaa xariiqmihii waddooyinka ee dadweynaha socotada ah ku bedeshay mid kale oo 3D ah, fikrad hal-abuur cusub ah oo loogu talogalay in shilalaka gaadiidka lagu yareeyo.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, Iceland waxay nidaamkan cusub ee xariiqaha waddooyinka u raacday waa in la yareeyo shilalka gaadiidka, iyadoo qofka darawalka ahna lagu khasbayo inuu xawaarihiisa dhimo, waana tallaaabo u suurtagelinaysa iney si nabadgalyo ah ay socotadu waddooyinka ku maraan.

Fikaraddana yaa waxaa ku qarsoon, qofka dawalka ah marka uu u soo dhawaado xariiqmaha 3D-ga ah waxa uu u qaadanayaan in wadada uu teed ku gudboon yahay ama ay wax ku horgudban yihiin, taas oo keenaysa inuu xawaarihiisa dhimo si tartiib ahna uu usocdo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close