WararkaWaxbarashada

Xabsi 24sano ah oo Lagu Xukumay Nin Taliyaani ah oo Dumar Farabadan Qaadsiiyay Fayruska HIV

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa Jimcadii shalay  xabsi 24sano ah ku xukuntay nin Talyaani ah oo in ka badan 30 haween ah qaadsiiyay HIV AIDS, isagoon sameyn tallaabooyin ka hortagg ah isna ogaa weliba inuu cudurku hayo.

Valentino Talluto oo da’diisu tahay 33sano jir xisaabiye ah, ayaa dumarka ka sasabtay dhanka baraha bulshada isagoo muddo 10sanno ah Fayruuskaa ku faafinayay dumarka dhexdooda intii aan laga qaban ka hor November, 2015.

Fayrusk HIV ayaa waxaa sii qaaday lamaanayaal kale oo si aan ogaanshiyo ahayn uu ugu kala gudbay.

Ninkan ayaa maxkamadda ka hor qirtay inuu ka qoomeynayo ficilkiisa isla markaana aanuu ku baraarugsaneyn cawaaqib xumida ay arrintani yeelan karto.

Dumar babdan ayaa ku baraarugay markii telefishinnada ka daawadeen Valentino oo laqbanno isla markii ay is baareeenna ogaadeen iney Fayruska sidaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close