WacyigelinWararkaWaxbarashada

7 Khalad oo aad Ku Burburineyso Noloshaada Jaamacadeed

In badan oo waxbarata iyagaa mustaqbalkooda gacantooda ku burburiya, waxay u haystaan nolosha jaamacaddu iney tahay mid naaneysta jaamci oo qura laga helo oo aan macno badan oo saas ah aan lahayn.

Hadaba, tallaabooyinkan haddii aad qaaddo ogow ama ha ogaan waxaa jira burburin aad ku sameynayso noloshaada waxbarasho guud ahaan, gaar ahaan tan jaamacadeed:-

1  .Inaad ka baaddo Maktabadaha

Inaad ka baaddo oo aadan booqan maktabadaha waa arrin dhabar jab ku ah noloshaada aqooneed.

2  .Markasta waxaad ku fakartaa maalinta qalinjabintaada

Waxa kuu cad oo qura waa maalinta qalinjabintaada adigoo maalmaha kale ula dhaqmaya sidii inaaney wax qiimo ah agtaada ka lahayn.

3  .Waxaad wax akhrisaa Xilliga Imtixaanka oo qura

Waxaa hubaal ah haddii imtixaan oo qura aad wax u akhriso inaad illoobeyso waxwalba marka uu imtixaankaasi dhamaado, sidaa darteed waa burburin kale oo noloshaada waxbarasho aad ku sameynayso.

4  .Wax howlqabad ah oo gudaha jaamacadda ka socda kama qeybgashid

Waxaa jira howlqabadyo badan oo gudaha jaamacadda ka socda oo cilmiga lagu kobciyo, markaa haddii aad ka qeybgali weydo ogowa inaad burburin dadaban ku hayso noloshaada aqooneed

5  .Baraatikada cilmiyeed kama qeygashid

Maaddooyinka qaar waxay u baahan yihiin in la baraatikeeyo oo si wada jir ah looga shaqeeyo, markii xilliyadaa dheeraadka la gaaro ee xiisadda ka banaanka ah waad ka dhuumataa.

6  .Si maalinle ah waxba uma akhrisid

Inaadan si maalinle ah aadan waxba u akhrin oo aad iska dhaadhiciso in dadka daciifka ah oo qura ay u baahan yihiin iney si joogto ah wax u akhriyaan, ogow inaad noloshaada jaamacadeed iyo tan waxbarasho aad u dhameynayso.

7  .Takhasuska aad dhigato oo dadku ku nacsiiyo

Marka takhasuskaagu noqdo mid aad dadka dartii ku nacdo, ogow noloshaada waxbarasho adaa gacantaada ku burburiyay.

Si kastaba, waxaa hubaal ah in ay jiraan arday badan oo ka dhacsan qiimaha waxbarashada oo mooda in waxbarashadu tahay mid naaneysyo lagu helo oo qura, sidaa darteed haddii aad sameyso qodobadan halka sare kusoo xusney ogow wakhtigaagii iyo waxbarashadaadii adigaa gacantaada ku burburiyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close