WararkaWaxbarashada

Internet Bilaash ah oo Ay Helayaan Dhammaan Dadyowga Adduunka

Shirkadda “X Space” ayaa gudbisay codsi rasmi ah oo ay u gudbisay guddiga Maraykanka ee Isgaarsiinta Federaalka iyadoo dooneysa shirkaddu in loo ogolaado mashruuc aad u ballaaran oo internet bilaasha ah lagu siinayo dunida dacalladeeda kala duwan.

Website-ka “physics-astronomy” ayaa sheegay in Aasaasaha shirkadda Elon Musk iney ka go’an tahay inuu mashruucan fuliyo marka ogolaanshiyaha uu helo hay’adda Isgaarsiinta federaalka Mareykanka.

Shirkadda ayaa xilli sii horreysay sheegtay in 4 kun oo dayax gacmeed loo dirayo hawada sare iyadoo meelo kala gadisan la kala dejinayo si ay ay adduunka oo dhan u helo Internet.

Shirkadda Space ayaan fikraddan kali ku ahayn ee waxaa ku weheliya shirkadadaha kale ee Google iyo Samsung ee laakiin iyadaa ugu horreysay.

Marka la ogolaado in mashruucan la sii daayo, intenten-ka waxa uu noqonayaa mid dadka oo dhan ay heli karaan muddo 5sano ah gudahood.

Maandeeq FM

Related Articles

Close