arrimaha bulshadaCaafimaadkaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Miyaa Loo Dhintaa Qalbi-Jabka Jacaylka.. Cilmigu Muxuu Ka Yiri Arrintan

Hooyooyinka adduunka oo dhan waxay kusoo celceliyaan oraahyada ah “Hooyo adigu waxaad tahay nolosheyda.” Markay caruurtooda kalgacayl u muujinayaan, dadka qaarna qofka ay jecelyihiin waxay ku yiraahdaan “La’aantaa ma noolaan kano.”, “haddii aad iga tagto ma noolaan karo.” Dhinac marka aad ka eegto waa erayo kalgacayl, halka dhinaca kalena ay tilmaamayaan in nolosha laba qof ay isku noqotay mid qura.

Hadaba oraahyadaa aan soo sheegnay raad cilmiyeed ma leeyihiin, caafimaadkuna muxuu ka leeyahay niyad-jabka, oo dhab ahaan miyaa loo dhintaa “Qalbi Jabka”?

Su’aalo fara badan ayaa la iska weydiiyaa oo caafimaadku aanuu ku kala saarin biologically iyo psychologically ahaan toona.

Waxaa hubaal ah sida ay culumadu caafimaadku leeyihiin in “Niyad-jabka” aanuu ahayn oraah iska buunbuunin ah, waa xaalad jir ahaaneed saameynteeda caafimaad yeelata, waxayanay khatar ku tahay nolosha qofka aadanaha ah.

Sida uu caafimaadku qabo xaaladdan waxaa lagu tilmaamaa-waa marka uu qofku waayo qofkii uu jeclaa ha kala tagaan ama midi geeriyoodee-waxaa ka dhasha qalbi-jab,  kaas oo markii ugu horkiisii ugu horreeyay ay daaha ka rogeen cilmibaarayaal Japanese ah sanadkii 1991. oo ogaaday qalbi-jabka afka laga sheegayaa inuu ficil ahaanna wadnaha uga dhaco.

Xaaladdan waxaa ka dhalanaya inuu qofku xanuuno wadnaha bidixdiisa dhanka hoose, gaabis ku yimaadda socodka dhiigga ee gudaha wadnaha si ku meel gaar ah, sababtana waa hormoonada walwalka oo uu jirku soo saaro marka ay soo gaaraan warar adag oo aanuu ku farxin, sida uu sheegayo khabiirka Mayo Clinic.

Markasta oo qofka qalbi jabka uu hayaa uu caafimaad ahaan dhibaatooyin hore uu qabay, qabli-jabku waxa uu ku sii adkeeyaa xaaladda, waxa uu keeni karaa dhibaatooyin culus oo dhanka wadnaha ah oo ugu dambeyn sababaysa inuu qofku u geeriyoodo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close