arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Saacad Rolex tii Ugu Qaalisayn Abid oo la Kala Siistay $17 milyan oo dollar!

Waxaa la kala iibsaday saacadda ugu qaalisan adduunka ee nooca “Rolex Cosmography” oo la kala siistay lacago kor u dhaafay 17 milyan oo dollar.

Saacaddan ayaa lagu kala iibsaday guriga wax iibinta ee Philips Auction House ee gudaha dalka Mareykanka, waxaa lagu iibsaday $17752500 doolar, saacaddan ayaa ah mid ka mid ah saacadihii Qarnigii 20aad ugu wanaagsanaa.

Waxaa lahaan saacaddan fanaan iyo filim sameeye caan ah oo u dhashay dalka Mareykanka lana oran jiray Paul Newman(1925-2008). Sicirka lagu soo gudbiyay ee suuqa lagu soo dhigay ayaa ahaa $1milyan oo doolar, waxaa lagu gorgortamay muddo 12 daqiiqo ah oo qof kastaa uu qiimaheeda wax ku kordhinayay si uu u helo, iyadoo 18 jeer qiimaheeda kolba la kordhinayay, ugu dambeyn waxaa iibsaday qof aan magaciisa la shaacin.

Newman ayaa saacadda oo la sameeyay 1968 u hadiyeeyay xaaskiisa oo ahayd jilaa dhanka filimaanta ah Joanne Woodward  oo ka codsatay odaygeeda inuu saacadda helkeeda dambe ku qoro jumaladda ah “Gaariga si taxadar leh u kaxee”, iyadoo markaa uga digaysay inuu gaariga si xoog ah uu u kaxeeyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close