arrimaha bulshadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro ah oo Gacmihiisa Ku Waayay Badbaadin Shimbir.. Gudaha Dalka Turkiga

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa labadiisa gacmood ku waayay badbaadin uu isku dayay inuu shimbir u sameeyo darteed, mid ka mid ah gobollada dalka Turkiga.

Sida wakaaladda wararka “Anatolia” ay qortay wiilkan dhalinyarada ah oo 16 jir ah lana yiraahdo Tash Demir oo kasoo jeeda gobolka Agri ee bariga Tukiga ayaa isku dayay inuu badbaadiyo shimbir ay koronto qabsatay baallo dushii, waxa uu isku dayay inuu badbaadiyo shimbirta laakiin korontadii ayaa isagiina qabsatay.

Waxaa badbaadiyay shaqaalihii korortada isla markiiba ula carara isbitaalka, dhakhaatiirtu dadaal kasta oo ay galeen waxaa u suurtogli wayday iney gacmihiisa badbaadiyaan.

Dr Mohammed Ozturk oo ka hadlay arrinta ayaa yiri,  “Tash Damir waxa uu ka gubtay gacmaha si xoog ah, waxaa howlgab noqday murqaha iyo seedaha”, Waxa uu hoosta ka xarriiqay iney sameeyeen waxwalba oo karaankooda ah oo ay qaban kareen.

Tash ayaa xukuumadda Turkiga ka codsaday in loo helo gacmo macmal ah si uu nolol dabiici lah u helo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close