UncategorizedWacyigelinWararkaWaxbarashada

4 Eray oo Aadan Marnaba Ka Maqleyn Afka Dadka Taajiriinta ah

Haddii fursaddu kuu saamaxdo inaad la noolaato labada dabaqadood ee taajiriinta iyo faqiirka labadaba,  waxaad arkaysaa farqi weyn oo u dhaxeeya sidey u dhaqmaan iyo aragtida ay lacagta ka aaminsan yihiin.

Dabaqadda dhexe iyo tan hoose intabadan lacagta fikrado aan wanaagsaneyn ayay ka aaminsan yihiin,  iyagoo tilmaama inaan wax sareedo ama faraxad ah aan laga helin, sidaas oo kalena tilmaama iney hanti farabadan yeeshaan inaan looba qorin.

Dhanka kale, markii aad dadka taajiriinta ah la sheekaysato, gaar ahaa kuwa aan lacagta dhaxalka u helin ee dhididkooda maalay, waxay aaminsan yihiin in waxwalba ay suurtogal yihiin, inta badanna lacagta meel wanaagsan ayay ka taagan yihiin oo wax xumaan ah kama sheegaan.

4-tan oraahood marnaba kama maqleysid afka dadka taajiriinta ah, waxaana suurtagal ah haddii aad adiguna qaamuuskaaga ka saarto inaad gaari doonto heerka ay gaareen.

1  .Maalgelin ku filan uma hayo fulinta mashaaruucan

Dadka qaar waxaad in badan ka maqleysaa iyagoo leh waxaan haynaa fikrado badan oo muhiim ah laakiin ma haynno lacago aan ku maalgeliinno, halkaas ayay ku joogsadaan isla markaa riyadoodu ku dhimataa.

Dadka taajiriinta ah sidaa maaha, jeebkooda ma eegaan waxa kaliya oo ay ka fakaraan shaygani dhab ahaan faa’idada la sheegayo ma leeyahay, haddii arrintu ay sidaa tahay waxay ogyihiin dad lacagtii haya oo fikaro maalgashi u baahan, fulinta fikradoodana way ku dhaqaaqaan.

2  .Ma mudni inaan taajir noqdo

Waxaa jira waxay dadbadani aad u aaminsan yihiin oo ah inaaney mudneyn ama aan loo qorin iney taajiriin noqdaan, “anigu yaan ahay si aan milyaneer u noqdo”, “horta yaa idhalay marka aan rabo inaan u noolaado sidii boqortooyo oo kale.” Iyo erayo kale oo la mid ah.

Halka dadka taajiriinta ah ay ku fakraan iney maalfarabadan tacbaan waxaaney yiraahdaan “Hantida aan haystaa iguma filna”, waxa agtooda aan la gaari karin ma jiro, waxwalba waa suurtogal.

3  .Wax walba waan khasaari karaa

Go’aamada ay dadka caadiga ah gaarayaan inta badan waxay ku qaataan iyagoo cabsi badan iyo gadaal ka baqad uu ku jiro, cabsida ayaana u sheegaysa in haddii ay hantida lumiyaan ay adag tahay iney si fudud mar kale ku tacbaan.

Dadka taajiriinta ah, lacagtooda ayay ku bixiyaan si ay mid kale ku tacbaan, waxayna ogyihiin in lacagta oo wax lagu maalgeliyo si aan  baqdin lahay ay keeni karto faa’iidooyin aad u baaxad weyn oo muhiim ah.

4  .Shaqadeyda ma jecli

Waxaa iska caadi ah inuu qofku raadiyo shaqo uu raalli ku yahay mushaar ku filanna uu ku qaato, waxa uu shaqadaa ku sugnaadaa sanado, dadka qaarna waxay ka shaqeeyaan shaqooyin aaney jeclayn amaba raalli ku ahayn.

Dadka taajiriinta ah waxay aaminsan yihiin in halka laga taajiraa ay tahay inaad ka shaqeyso waxaad jeceshahay, dadaalka aad geliso iyo shaqada aad ka qabato ayaa kuu suurtogalinaysa inaad hor-u-mar ka gaarto.

Si kastaba, waxaa hubaal ah in taajirnimada iyo faqiirnimaduba ay la xiriiraan habka fakarka qofka oo aad loogu kala duwan yahay, sidaa darteed haddii aad dooneyso inaad taajir noqoto waa inaad sida taajiriinta oo kale u fakartaa.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close